Sawirro: XASAN SH. oo meel ku tuuray go’aankii BF Somalia, aqoonsaday baarlamanka Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa go’aan kale ka qaatay xildhibaanada baarlamaanada maamul goboleedyada ka jira dalka xili wali ay taagan tahay khilaafkii dhanka baarlamaanka ee u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa si cad u sheegay iney aqoonsadeen dhamaan baarlamaanada maamul goboleedyada dalka kadib kulankii uu la qaatay gudoomiyaha baarlamaanka iyo xubno kale oo la socday.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay inuu amaanayo dhamaan baarlamaanada ka dhisan dalka Soomaaliya iyo baarlamaanka kaliya ee dhiman ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa sheegay iney taageero siinayaan baarlamaanka Galmudug taasi oo ku aadan diyaarinta sharuucda dalka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay xubnaha dowlada Soomaaliya ugu sareeyo, isagoo sheegay iney ka mahad celinayan taageerada dowlada Soomaaliya.
1

2

3

4

5

6

7

8

9