Shirkii ka socday magaalada Garoowe ee DF iyo PUNTLAND oo si aan la fileynin kusoo idlaaday !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo mudooyinkaani danbe uu kulan seddex geesood ah ka socday Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo warar hoose oo sheegaya in shirka uu biyo dhiciisu noqday mid kusoo idlaaday kala dhoof.

Shirka oo ahaa mid u dhexeeyay Ra’isul Wasaaraha DF Somalia, Hogaamiyaha Jubba iyo Hogaamiyaha Puntland ayaa waxa uu aakhirkiisu noqday mid qabyo ah oo dawo looga dhigay kala dhoof.

Caasimada Online oo kulamadaasi dhacay ka heshay xogo dheeraad ah ayaa sheegaya in gebi ahaan uu bur-buray qodobadii horay loo wada-gaaray uu noqday hal bacaad lagu lisay oo uu waqti ku lumay, kadib markii Gaas iyo Axmed Madoobe ay si wada jir ah u laaleen dalab ka yimid dhanka Ra’isul Wasaare Cumar.

Cumar C/rashiid ayaa labadaasi Mas’uul ka dalbaday in diidmadooda ay usoo gudbiyaan ka hor inta aysan DF Somalia u marin warbaahinta, waxa uuna sidoo kale ka codsaday inay yareeyan guux Siyaasadeedka ee mideeyay labada dhinac.

Cumar C/rashiid ayaa ku gacanseeray dhamaan codsiyadii uu u gudbiyay Labada Mas’uul, waxa uuna albaabada isugu dhuftay shirka bacdamaa dhanka DF Somalia ay aaminsan tahay in ogolaanshaha badan ee Cumar ay muujineyso la safashada Puntland iyo Jubbaland.

Caro iyo isfahan’waa kadib Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa u dhoofay Magalada Qardho ee gobolka Karkaar, Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna u dhoofay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, halka Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu isna la filaayo in maanta uu u dhoofo Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Qodobada ay Seddexda Mas’uul ku kala carooden ayaa waxaa kamid ahaa:

1-Sharci ahaanasha maamulka cusub ee Galmudug oo ay DF Somalia soo dhistay, qodobka xuduudaha ee maamulka Galmudug ayaa dood dheer ka imaatay qodobkaa oo sheegaya in xuduuda maamulka tahay Burtinle oo kaabiga ku haysa xadka Nugaal.

2. Gudiyadii Doorashooyinka iyo Xuduudaha oo ay dhawaan ansixiyeen BF oo Jubbaland iyo Puntland ay gabi ahaan diideen jiritaankooda iyagoo ku andacooday in aan lagala tashan.

Dhanka kale, Isfahan’waagii dhaliyay kala dhoofka ayaa laga cabsi qabaa inuu sara qaado Khilaafka ka dhexeeya DF Somalia, Puntland iyo Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com