Ahlu-Sunna oo weji kale kala kulantay ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online)-  Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ka jooga dalka Somalia ayaa fariin goodin ah u diray Maamulka Ahlusunna ee ka arimiya qeybo kamid ah Gobolada Dhexe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ethiopia ay muddo Seddex maalin ah u qabatay Ahlusunna si ay isaga baxdo Magaalada Dhuusamareeb iyo goobaha kale oo ay gacanta ku hayaan.

Seddex maalin kadib ayaa loogu goodiyay in talaabo laga qaadi doono hadii aaney ciidamdooda dib uga saarin Magaalada dhuusamaereeb.

Qorshaha ayaa ah in Magaalada dhuusa maereeb, loo soo wareejiyo Maamulka cusub ee Galmudug, waxa ayna xiligaani Ethiopia garab boodeysaa DF iyo Maamulka Galmudug.

Dowlada Ethiopia ayaa wado qorsho ay si dhow kula shaqeyn doonto maamulka Galmudug iyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed waana tan keentay in cadaadis lagu saaro ahlusunna inay ka baxdo Magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Geesta kale, fariintaani ku aadan mudada Seddexda maalin ah ayaa imaaneysa iyadoo ay Ciidamada Ethiopia xabsi dhigeen Madaxweynaha cusub ee dhawaan ay dooratay Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com