CEEB ku habsatay wasiiro ka tirsan DF SOMALIA oo Sheekh caana u been sheegay kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dhawaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia balanqaaden inay bixinayaan qeybo kamid ah mushaaraadkooda si loogu gargaaro kumanaanka Soomaalida ah ee ku dhiban dalka Yeman ayaa waxaa soo baxaayo warar kala duwan oo arrintaasi ku saabsan.

Sheikh Nuur Baruud Gurxan oo ah Gudoomiyaha Guddiga bad-baadinta iyo samata bixinta dadka Yeman ayaa sheegay in gudiga aysan weli soo gaarin dhaqaalihii ay balanqaaden tiro wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somalia oo horay u balanqaaday inay ka jari doonaan Mushaarka ay ka qaatan DF Somalia.

Idaacada Mustaqbal oo xiganeysay warbixinta Sheikh Nuur ayaa sheegtay in gudoomiyaha uu weli u gacan haatinaayo Wasiiradii balanqaaday bixinta lacagahaasi.

Nuqul kamid ahaa hadalka Sheekha ayaa u dhacaayay “Wasiiradii kunka dollar balan qaaday hal doollar kama heyno marka laga reebo shaqsiyaad gaar ah, war howsha aan heyno waa tii idinka nilaga rabay qabashadeeda, dhanka Dowladda gaabis ayaan ka dareemeynaa, in ay Dowladaha kale la hadasho ayey ahayd”

Waxa uu Sheikh Baarud carabka ku dhuftay in Wasiirada balanqaadka sameeyay ay weli ku dhagan yihiin islamarkaana lacagahaasi ay yihiin kuwo loogu gurmanaayo Kumanaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan heysan wax dhaqaale ah.

DF Somalia ayuu ugu baaqay inay adkeyso axdiga si loo soo dhameystiro tirada Muwaadiniinta ee ku harsan dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com