WASIIR ODAWAA oo digniin u diray ciidamada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa markii ugu horeysay digniin u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada ayuu uga digay inay xad gudub kula ka caan dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay inay soo gaartay dacwado badan oo ka dhan ah Ciidamada Booliska.

Waxa uu ka digay in Ciidamada ay xiliyada ay sameynayaan Howlgalada ay bulshada ra’yidka ah kula dhaqmaan u muujinta naceybka, waxa uuna taasi ku sheegay inay noqon doonto mid ay ku muteysan doonaan danbi.

Mr Odawaa ayaa waxa uu bogaadiyay Hablaha ka shaqeeya nabad gelyada ee ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaas oo uu sheegay in ay u taagan yihiin habeen iyo maalin sidii nabad ay uga islaaxin lahaayeen Magaalada Muqdisho , waxaana uu hoosta ka xariiqay in dhammaan Ciidanka dowladdu dar dar geliyaan howlaha xaqiijinta nabad gelyada.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howl gallo xoogan oo lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimada Muqdisho kuwaas oo lagu baarayay gaadiidka iyo dadweynaha intaba.

Haddalka Odawaa ayaa imaanaya iyadoo inta badan dadka shacabka ah ay ka cabanayaan Ciidamada Dowlada oo iyagu si arxan daro ah ula dhaqmo dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com