Faroole oo la kulmaya musharixiinta doorashada PUNTLAND maanta

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu wadaa maanta oo Talaado ah in uu Garoowe kula kulmay qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashada Puntland oo dhaceysa billowga sannadka na soo aadan 2014-ka.

Faroole ayaa dhawaan oggolaaday in uu la kulmo musharixiinta Puntland kaddib markii ay iyaga ka codsadeen si uu ugala hadlo ismaandhaaf labada dhinac ka dhex jirra.

Labada dhinac ayaa ku dhawaaqay guddiga xallinta khilaafaadka doorashada kuwaasoo kala fadhiya Garoowe iyo Boosaaso.

Arrintaas waxa ay keentay in uu khilaas soo kala dhex galo labada dhinac, waxaa jirta cabsi la xiriirta in doorashada Puntland ay hareyso khalalaaso marka loo eego olalaha ay wadaan musharixiinta.

Musharixiinta ka soo horjeeda madaxweyne Faroole ayaa olole ballaaran ka wada magaaooyinka waaweyn ee Puntland iyagoona la kulmaya shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com