Kulankii Faroole iyo musharixiinta oo guuldaro ku dhammaday

Garoowe (Caasimada Online) Sida uu soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Garoowe, waxaa guul daro ku dhammaaday kulan maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Garoowe kaasoo ay yeesheen musharixiinta Puntland iyo ku xigeenka madaxweynaha iminka, waxaana ku jiray Madaxweyne Faroole.

Kulanka oo ay saxaafadda banaanka ka joogtay ayaa qaatay dhowr saacadood waxaana looga hadlay qoddobo xasaasi ah.

Waxaa aad looga doodday in la soo dhiso guddi wadajir ah oo qaabilsan doorashadda iyo in la isla meel dhigo soo xulista baarlamaanka.

Madaxweyne Faroole ayaa ku adkeestay in uu isaga kaliye uu soo magacaabi karo guddiga khilaafaadka doorashooyinka Puntland iyo soo xulista baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulanka in doorashada oo dhaceysa 8-da bisha Janaayo loo oggolaado goobjoogayaal ka socda gudaha iyo dibedda.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka hadleen in la helo guddiga isimada oo ahaa mid marjic ah marka uu yimaado khilaaf.

Nasiib xumo kulanka oo qaatay muddo dheer ayaa guul daro ku soo dhammaaday, waxaana iyadoo loo fadhiyo qado uu ku sharfay madaxweyne Faroole musharixiinta la sheegay in qaar kamid ah ay ka soo baxeen goobta.

Qaar ka mid ah musharixiinta oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulanka uu ku soo dhammaaday guuldaro, waxaana ay sheegeen in talada ay u taallo isimada Puntland, sidoo kale waxa ay beesha caalamka ugu baaqeen in ay soo kala dhex gasho arrintan.

Kulankan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dhexmaray madaxweyne Faroole iyo musharixiinta iyadoo labada dhinac ay iskood u magacaabeen guddi siddeed xubnood ah kuwasoo ah guddiga xallinga khilaafaadka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com