DHAGEYSO: Abwaan Mustafa Sh Cilmi oo uga tacsiyeeyay R/W cusub xilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ayaa isagoo ku sugan dalka Sweden waxa uu la hadlay tacsina u diray ra’iisal wasaaraha cusub ee Somalia loo magacaabay C/weli Sheekh Axmed.

Abwaan Mustafa, ayaa shaaca ka qaaday in xilka loo magacaabayo Cabdi Weli uu yahay mid la isaga tacsiyeeyo, ee aanu ahayn mid mudan hambalyo.

Mustafa ayaa sheegay in xilka Cabdi Weli loo magacaabay uu yahay xil culus oo ah wax u qabashada dad dhibaateysan iyo hogaaminta umad bur burtay.

Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi ayaa waxa uu sheegay inuu umahad celinayo ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) isagoo midka cusubna urajeeyey inuu howshiisa guto hadii kalsoonida baarlamaanka uu helo.

Warbixinta Abwaan Mustafa halkan hoose ka dhageyso

abwaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com