Faroole oo shaaciyay cida ugu badan ee faragalinta ku heysa Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee DFS C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ”Faroole”, ayaa si adag uga hadlay Faragalinta lagu hayo howlaha Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Faroole ayaa sheegay in faragalin lagu hayo Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay inay wanaagsan tahay in faraha lagala baxo howlaha Qaranka ee khuseeya Madaxweynaha.

Xildhibaan Faroole waxa uu sheegay in Faragalinta ay tahay mid badi ka imaaneysa Madaxda Madasha, waxa uuna ku baaqay in faraha lagala baxo howlaha Madaxweynaha khuseeya.

Xildhibaan Faroole waxa uu sheegay inay muhiim tahay in fursad la siiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, si uu u soo xusho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Faragalinta ayuu sheegay inay qeyb ka tahay mid Madaxweyanha uga imaaneysa Dowladaha Shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho waxa uuna carab dhabay in labada Aqal aysan u dulqaadan doonin in la faragaliyo Dowlada cusub ee taageerada ka heysata shacabka.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/raxmaan Faroole ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu burineynin dhaqaalaha ay haysato Dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com