Xog: Fiqi oo ay xaaladda ku xumaatay iyo go’aan yaab leh oo uu qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada  muqdisho weli ka socdo dadaalka loogu jiro sidii uu siyaasi kasta u heli lahaa kursiga Ra’isulwasaarenimo ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wararka hadda soo gaarayo Shabadda Caasimadda Online xafiiskeeda magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu Axmed Macalin Fiqi ka tanaasulay hamigii uu ka lahaa xilka Ra’isulwasaaranimo oo uu dadaal dheer ugu jiro  tan iyo markii Farmaajo loo doortay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa raacinayo inuu Fiqi ka quustay xilkaas maadaama uu beeshiisa kala kulmay cadaadis weyn, wuxuuna hadda bilaabay inuu u ololeeyo siyaasi kale oo isna xilkaas raadinayey.

Fiqi ayaa la sheegay inuu xilka Ra’isulwasaaranimo u raadinayo Abshir Bukhaari oo ah guddoomiye ku xigeynka labaad ee aqalka Sare kaasoo la sheegay inuu u ololeenayey Farmaajo intii ay socotay doorashada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa jiro warar sheegayo maadaama uu Fiqi ka quustay rajadii Ra’isulwasaranimo uu daneenayo sidii ay beeshiisa xilkaas ku weyn laheyd si uu u helo wasiir.

Waxaa jiro siyaasyiin badan oo xilkaas raadinayo kuwaas oo ay isku beel yihiin Fiqi waxaana kamid ah:

1) Dr. Cabdinaasir Cabdulle Jaamac

2) Cabdiraxmaan Cabdishakuur

3) Dr. Culusow

4) Yuusuf Garaad Cumar

Iyo kuwa kale oo kasoo jeeda beelaha kale sida Mudulood iyo Murusade, waxaana laga warsugayaa go’aanka uu qaato Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta la wareegayo taliska madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com