Faroole: Puntland anagaa iska leh!

Nin Ganacsade ahaa baa Todobaatameeyadii gatay baabuurka loo yaqaan SABAAX, oo  markaa suuqa baabuurta iyo baladkaba ku cusbaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu gaarigii Sabaaxa ahaa ku raray Ari loo waday Magaalada Burco, markuu marayo jiiqjiiqda Hiiraan ayuu gaarigii gaddoomay, markaa ayaa waxaa u yimid Boolis, si ay u diwaangaliyaan dhacdada, markii dhawr su’aalood la weydiiyey oo uu malaha qoonsaday ayuu damcay inuu u sheego Booliska in Gaariga gaddoomay, Ariga saran iyo waxa dhan uu isagu leeyahay, wuxuuna yiti: “QOR, SABAAX ARI SIDA, OO BURCO U SIDA, ANAA GATAY, ANAANA GADDISTAY!

In badan baa laga digay fidnada Faroole, ayaandarrada baase ah inaan laga digtoonaan, kaba sii darane, sida wax u dheceen waaba loo heellanaa, ha noqoto deegaanka uu ka taliyo ama dawladdii Shariife, maalintii uu xilka qabtay ilaa maanatadan tacaddi iyo xadgudub unbuu ku soo kordhiyey deegaankaa, Soomaalina sadbursi qayaxan iyo afduub qabiil ayaa ula yimid.

Laga yaabee in Faroole matalo aragti guud oo ay la wadaagaan dad deegaanka ah, haddana, suuragal ma ahan in falalka qaar aysan helin qof diidmo ka keena, haddii aysan ahayn, laabta ka jecli iyo luggooyadu ha socota! Sidan waxaan u leeyahay inta kol ee Faroole xerataraar sameeyey cidna hooy iyo yac midna dhihin, in loo naseexeeyana marag looma haayo.

Xaajadu ugub ma ahan, marka laga eego dhanka cod la’aanta iyo caburka aan la aqoon waxa sababay, haddii aysan ahayn cudurkii aan dawadiisa lahayn ee QABIILKA. C/laayihi Yuusuf baa Xamar Xabashi keensaday, dabcan Madaxweyne wuu ahaa, haddana, uma dhaqmin sida magacu keenayo maamuuskeeda lama imaan, wuxuu dhigay waa loo wada joogay, waxaanse la helin cod dheer ama hoose oo lagu yiri: C/laahi cidaan shisheeye Soomaali ha ku kala gayn!

Sida sooyaal yaqaanku sheegaan taariikhdu mar qura ma dhacdo ee waa soo laalaabataaye, micnaha dhawr kol ayey dhacdaa iyadoo isla sidii ah ama aan wax weyn ka duwanayn tii hore, waxaan uga jeedaa, sidii aan loo oran C/laahi Yuusuf waxa aad ku socotaa waa qalad xigaalada iyo walaaltinimada dhaawacaya, xaajo ugub ahna horseedaya, ayaan Faroolana lo oran sida aad wax ku waddaa dadka ayey kala dilaysaa.

Haddii C/laahi Yuusuf markii laga guulaystay dib ugu soo jabhadeeyey Garoowe, maanta waxaan joognaa in mudane Faroole uusna diyaar u hayan inuuba doorasho qabto, haddi xasuuso doorasho wa midda keentay isagee, oo u sahashay inuu xukunka qabtee, inuu sannad ku darsaday ka sokow, hadda ayuu rabaa shan kale oo hor leh.

Faroole hadduu kala dhantaalay Punland, oo maanta uun ah magac iyo qalfoof kali ah, maxaa yeelay deegaankaa waxaa ka dhisan maamullada kala ah: KHATUMO STATE, ALL SSC STATE, ALL CAYSRLAND, MAAMUKA GALBEEDKA GAALKACYO IQB, maanta wuxuu marayaa inuu malaha dhawrkii magaalo ee ku harayna uu sii kala googooyo, illeen sida uu wax u wado keeni mayso wada noolaashee, aan ka ahayn dagaal iyo dirir hor leh, ayna dhanka kale ka jiraan Somaliland, oo iyana dhinac ka sheeganaya maamullada gobolladaa.

Burburkan waxaa sababay, aad garatide, bal ila eeg magacyadan hoos qoran, dhammaan waxay xilal ka hayaan maamulka uu Faroole hoggaansho, waana wada Qoyskiisa, waxayna kala yihiin:

  1. 1.  Cumar C/raxmaan Faroole
  2. 2.  Sucaad C/raxmaan Faroole
  3. 3.  Maxamed C/raxmaan Faroole
  4. 4.  Cismaan C/raxmaan Faroole
  5. 5.  Qadar C/raxmaan Faroole
  6. 6.  Aamino Abiib, oo ah xaaska mudane Faroole

Haddaba, ma idin la tahay nin qayskiisa ka dhammaan waayey inuu dad kale u maqan yahay ama wax u qabanayo? Warcelinta aqristaha baan u daynayaa. 

Gacan ku gambashada Gaas!

Waxaa la yiri: “God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!” Gaas intuu xilka Wasiirka 1-aad hayey, wuxuu si bareer ah ula saftay Faroole, isagoo marar badan ku taageeray mawqafiyo qallafsan oo Faroole ka qaatay geeddi socodka nabadda, waa marka Gen.  Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” oo Gaas ku yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!

Adduunyadu wa meertee, ninkuu shalay qalad iyo qallafsanan ugu qiilinayey, ee aan marna laga heyn qodobkaa Soomaali uma qalmo, maanta isaga ayuu ku keenkeenay, socdaal uu ku joogay deegannada Bari, ayaa Gaas laga daldabaday inuu si degdeg isaga boxo deegannada, ka dib markii Mudane Faroole ka shakiyey hammiga siyaadeed ee ku jira Gaas.

Hadduu is adkeeyey, ee uu ka dhaga furtaystay farriimaha uga imaanayey maamulka Faroole, waxaa si toos ah looga yeeray Saldhigga Booliska, si toos ah oo aan sarbeeb iyo silloonaan ku jirin loogu yiri: ISAGA BAX deegaankan, amarkaana waxaa baxshay Faroole, is adkayn ka dib, dantu waxay kalliftay inuu isaga huleelo, isagoo guryan iyo gunuunac ku yiri: meesha cabbirin baaxad leh baa ka jirta! Oo haddaa yaan ogayan oo uu u sheegayaa? Malaha isaga ayaa iminka ogaaday!

Maanta waxay maraysaa in dad ka soo horjeeday kordhisada uu damacsan yahay Faroole, oo ku muduharaaday safar uu ku tagay qaar ka mid ah deegannadaa in Xabbad iyo rasaas loogu jawaabo, dhaawac iyo dhimashana ka dhalatay, oo kaalay maxaa Maxamed Siyaasad Barre looga soo horjeestay oo Jabhado iyo dagaallo loogu kiciyey, haddii sidiisii oo kale ama ka xunba loo dhaqmayo? Anigu ma garan.

Farooloow haddii lagu nacay, ma dad ayaad ku qasbaysaa inay ku oggolaadaan? Maxamed Siyaad Barre oo kaa awood iyo itaal badan ayaa dibadda la dhigay, ee armay ku habboon tahay inaad tixgaaliso xeerarka yaal iyo inaad xushmadda lagaa mudan yahay la maagin, Wallee, haddii kale meel xun baa kuu dambayn doonta, waayahana aan ka war sugno.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.