Walcott iyo Sagna oo laga saaray ciyaartoyda Arsenal ee 2013ka.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Arsenal Theo Walcott iyo Bacary Sagna ayaan lagu soo darin ciyaartoyda rasmiga ah ee kooxdu ku shir tegi doonto 2013, xidigahaan ayaa ah kuwo waayadaan si joogta ah kooxda ugu ciyarayey balse hadii aysan heshiisyo saxiixin waxaa laga yaabaa inay ka huleelaan Emirates.

Wallcott qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England waxaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo midkood kooxaha Gunners Premier League kula xafiiltama Manchester City iyo Liverpool, waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu la hadlo kooxo ajnabi ah ka hor inta uusan si xor ah ku bixin dhamaadka xilli ciyaareedka.

23-jiraan ayaa waayo la yaab leh sanadkaan ka muujiyey Arsenal – wuxuu dhaliyey sagaal gool halka uu afar kale caawiye ka ahaa 15 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Daafaca dambeedka midig Sagna, mustaqbalkiisa ayaa sidoo kale shaki ku jiraa, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa waxaa horay u xiiseynayey Inter Milan, halka sidoo kale la arko hurumarka aan kala joogsiga laheyn ee uu sameynayo da’yarka Carl Jenkinson kaasoo amaan kala kulmay Arsene Wenger bilowgii sanadkaan.

Sagna ayaa lugta ka jabay dhamaadki sanadii lasoo dhaafay, wuxuuna saftay lix kulan ka dib markii uu dhowaan kooxda kusoo laabtay.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.