Farqada ugu halista badan qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka dalka (Aqri)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmo xooggan oo aan loo kala harin ayaa durbaba ka dhalatay qodob ka mid ah sharciga doorashooyinka ee ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya.

Maamul goboleedyada, xildhibaanada mucaaradka iyo siyaasiyiinta aan dowladda ku jirin ayaa si isku mid ah uga hor-yimid sharcigan.

Qodobkan laga hor-yimid ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood.

Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran.

Qodobka 56-aad ee sharcigan ayaa waxa uu leeyahay in haddii duruufaha kor ku xusan dartood, uu dib u dhac ku yimaado doorashada, in baarlamaanka iyo madaxweynaha xilka sii heynayaan.

Sababta walaaca ugu badan dhalisay ayaa ah in mid ka mid ah duruufaha, oo ah arrinta amniga, ay fududdahay in qiil looga dhigto in doorasho aan la qaban, ayada oo dowladda hadda jirta ay markii horeba amniga wax ka qaban weysay.

Waxaa sidoo kale walaac dhalisay jumladda ah “iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran”, taasi oo dowladda u sahlaysa in ay shaaciso musiibo qaran oo aan jirin.

Hoos ka aqriso qodobkan iyo sida uu u dhiggan yahay