Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan sharciga doorashooyinka

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa noqday dowlad goboleedkii saddexaad ee kasoo horjeesta sharciga doorashooyinka oo khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Horay waxaa uga horyimid, isla markaana sharcidarro ku tilmaamay ansixintaas maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana haatan kusoo biirey maamulka Jubbaland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in sharcigaas aan lagala tashan anisixintiisa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda federaalka, isla markaana uu yahay mid waddo sharcidarro ah loo maray.

Jubbaland ayaa sidoo kale War-Saxaafadeedka ku sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn go’aan kasta oo la gaaro oo kasoo horjeeda Dastuurka dalka, waxaana Beesha Caalamka ay ka dalbadeen in aysan aqbaleyn go’aano ku tagrifal awoodeed ah oo ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Jubaland