Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu yimid oo wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Waxay sidoo kale adkeeyeen xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab, iyagoo ku saleynaya is-ixtiraam qaranimo iyo ka fogaanshaha faragelinta arrimaha gudaha ee dal kasta.
Muddoyinkii u dambeeyay, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa u muuqday inay xalliyeen khilaaf u dhexeeyay, kaasi oo ka dhashay heshiis is-afgarad ahaa oo hore u dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.
Booqashadan waa tii labaad ee rasmi ah ee uu Abiy Ahmed ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay. Safarkiisii ugu dambeeyay ee rasmiga ahaa wuxuu ahaa sanadkii 2018, in kasta oo uu marar kale Muqdisho u yimid shirar ay ka mid ahaayeen caleema-saarkii Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022, iyo shir ay Muqdisho ku yeesheen dalalka Bariga Afrika sanadkii 2023. Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa ah tii labaad ee rasmi ah ee uu Abiy Axmed ku tago Muqdisho.
Booqashadan waxay daba socotaa safarkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Janaayo ku tagay Addis Ababa, booqasho lagu gaaray heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan, iskaashi amni oo la xoojiyo, iyo wadahadalladii Ankara oo la sii ambaqaado.
Farqiga booqashadan iyo tii 2018 ee xilligii Farmaajo
Sanadkii 2018, markii uu Abiy Axmed booqday Soomaaliya, waxa uu shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ku sheegay in labada dal ay sameyn doonaan iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid tahay is-dhexgalka bulshada.
Labada hoggaamiye waxay markaas ku dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo dhaqso u hawlgala, si loo fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen. Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsanaa, isaga oo xusayay in labada dal ay ku heshiiyeen maalgashiga ilaa afar dekedood iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira Itoobiya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, qodobka 12-aad wuxuu xusayay in labada dal ay si buuxda ugu heshiiyeen ixtiraamka madaxbannaanida, qaranimada, iyo xornimada siyaasadeed ee dal kasta, iyo sidoo kale xoojinta midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, heshiisyadii ku saabsanaa maalgashiga dekedaha iyo dhismaha jidadka lama hirgelin.
Booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxay kusoo beegantay xilli heshiis laga gaaray tirada ciidamada Midowga Afrika AUSSOM ee ka howlgalaya Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka sii ahaan doona hawlgalkan, kadib markii dowladda Soomaaliya oo markii hore diidaneed ay ugu dambeyn aqbashay inay Itoobiya ka mid ahaato ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.
Booqashadan waxay sidoo kale kusoo aadaysaa iyadoo labada dal ay gaareen heshiis lagu xallinayo khilaafaadkii hore, iyagoo isku dayaya inay xoojiyaan xiriirkooda iyo iskaashiga labada dhinac.