Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku imaaday wakhtigii lagu ballansanaa in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa iyadoo maanta oo 23-ka Bisha ay tahay balanta Jadwalka Doorashada sidaasi ay aheyd.
Qabsoomida Doorashada Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenadiisa ayaa waxaa lagu cadeeyay Jadwalka ay dhawaan soo saaren Guddiga Doorashooyinka dadban waxa uuna ballanku ahaa in Doorashada ay dhacdo maanta oo ay tahay Khamiis.
Guddiga Doorashooyinka ee muddo dhowr jeer ah ku fashilmay qabsoomida Doorashada xiligeeda, ayaan wali ka hadal dib u dhaca ku imaaday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Caasimadaha maamul Goboleedyada qaar ayaa waxaa wali ka socda Doorashooyinka Aqalka Hoose oo aan cago fiican ku taagneyn, waxaana wali harsan Doorashada Xildhibaanadii ugu badnaa ee kamid noqon doona Baarlamaanka Cusub ee Somalia.
Dib u dhaca ku imaaday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa, ayaa muujineysa in sidoo kale uu dib u dhac ku imaan doono Doorashada Madaxweynaha oo iyana lagu ballansanaa inay dhacdo 30-ka Bishan.
Docda kale, waxaan jirin wax dareen ah oo ay Dowlada Somalia iyo Guddiga Doorashooyinka ka muujinayaan saameynta Dib u dhaca Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

