24.1 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

R/W CC oo si dadban weerar ugu qaaday Xasan Sheekh xili uu jiro shaki ku aadan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa mar kale ka digay in dowlada Somalia ay carqaladeyso ololaha ay magaalada Muqdisho kawataan Musharaxiinta la tartameysa Madaxweynaha.

Sharmaake waxa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin farabadan oo lagu hayo Musharaxiinta waxa uuna meesha ka saaray in Musharaxiinta qaar ay raali ka yihiin ololaha socda.

Sharmaake, waxa uu tilmaamay inay soo gaarayaan cabashooyin dhowr ah oo kaga imaanaya dhanka Musharaxiinta, waxa uuna mugdi galiyay in Madaxweynaha dalka uu daacad u yahay musharaxiinta kale.

Sharmaake, waxa uu ku baaqay in la tixgaliyo Musharaxiinta maadaama aan la ogeyn musharaxa ku guuleysan doona doorashada.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan Siyaasada dalka, maadaama uu yiri aan la ogaankarin inuu soo bixi doono kan ay taageerayaan iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News