28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xasan Sheekh oo noqday mid ay is burburinayan hadaladiisa qirayna inay jirto…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qiray in ciidamada Dowlada ay karti iyo Hufnaan muujiyeen xili aysan qaadan Mushaar rasmi ah.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay inay adag tahay in Ciidamo ay shaqeeyan Mushaar la’aan hadana ay xili waliba usoo jeedan xaqiijinta Amaanka Goobaha ay Bulshada ku kulmaan iyo waddooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay habeen iyo maalin ciidamada inay taagan yihiin qoraxda iyo qabowga, isaga oo sheegay in dadaalkaasi muuqda ee ciidanka ay sameeyeen ay tahay arrin wanaagsan.

Madaxweynaha waxa uu ku celcelshay in Ciidamadu ay yihiin kuwo aan habayaraatee qaadan Mushaar, waxa uuna hadalkiisaan burburinayaa mid uu dhawaan sheegay taa oo aheyd in Ciidamadu ay qaatan Mushaaraad.

Madaxweyne Xassan oo dhawaan Khudbado ka kala jeedinaayay Wasaarada Gaashaandhiga iyo Booliska ayaa Cod dheer ku sheegay in Ciidamadu ay si sax ah u qaatan Mushaaraadkooda, waxa uuna xiligaasi beeniyay warar ay isla dhexmarayeen warbaahinta taa oo aheyd inaan Mushaar lasiin ciidamada.

Waxa uu hadda qiray inaan Mushaar lasiin Ciidamada, halka markii hore uu ka beeninaayay Mushaar la’aanta, waxa uuna hadalkaani burinayaa kii hore ee uu jeediyay Xasan.

Docda kale, Duruufta kala duwan ee ciidamada ay ku shaqeeyaan ayaa xilliyada qaar waxa ay sababtay ciidamo Dowladda ka tirsan inay dhac ka geystaan wadooyinka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News