Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya wada-hadal Dubai ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo dowladda Imaaraadka Carabta, kaasoo ku saabsanaa taageero ay Imaaraadka u ballan qaadeen Sheekh Shariif.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dowladda Imaaraadka Carabta ay Sheekh Shariif u ballan qaaday dhamaan dhaqaalaha uu ku gelayo doorashada madaxtinimada, hase ahaatee waxay ku xireen labo shuruud oo dalka Soomaaliya lagu iibsanayo iyo mid ku saabsan cilaaqaadka Turkiga la leeyahay Soomaaliya.
Sheekh Shariif oo fiirinaya danta shacabka iyo sharafta Soomaaliyeed ayaa iska diiday inuu aqbalo heshiiskaasi oo qodobka koowaad dhigay in marka uu guuleysto dalka laga saaro hay’addaha Turkiga iyo shirkaddaha dib u dhiska dalka ka shaqeeya, taas badalkeedna lagu badalo kuwo Imaaraadka ka socda.
Shuruuda labaad ayaa ah in uu fuliyo hesshiiskii is-fahamka badda Soomaaliya iyo Kenya, taasoo dan ugu jirto Imaaraadka oo shirkad dalkaasi laga leeyahay ay ku jirto heshiisyada caalamiga ah ee Kenya ay la saxiixaday ee shidaal ka baarida biyaha badda Soomaaliya iyo barigaba.
Sheekh Shariif ayaa heshiiskaasi laalay, wuxuuna diiday inuu fuliyo in Turkiga laga eryo Soomaaliya, isagoo xusuusiyay xubnihii ka socday Imaaraadka in Turkiga uu Soomaaliya wax weyn u qabtay, indhaha caalamkana kusoo jeediyay Soomaaliya oo dunida laga hilmaamay, Soomaalidana aysan abaal dhaan noqon karin. Sidoo kale, wuxuu diiday inuu wax gorgortan ah ka geli doonin dhulka lagu muransan yahay ee Kenya iyo Soomaaliya isku haystaan.
Imaaraadka ayaa markaasi kadib, waxay u yeereen Cumar C/rashiid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la ogyahay inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay in muran la geliyo xuduuda Soomaaliya, kenyana soo haweysato dhulkeena, waxayna hor dhigeen labada qodob ee Sheekh Shariif ka horyimid, wuxuuna si fudud Cumar C/rashiid ku aqbalay qodobadaasi, loona balan qaaday in Madaxweyne.
Sidoo kale, Sharif Xasan Sh, Aadan ayaa looga yeeray Imaaraadka, waxaana isna la hordhigay qodobadaasi oo uu si fudud ku aqbalay isna, waxaana heshiisku yahay in labadaasi xubnood midkood uu noqon doono Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare sida uu yahay qorshaha Imaaraadka si danahooda u fushadaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

