Fashil ku yimid siyaasada SOMALILAND ee arrimaha dibedda, sida la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr Sacad Cali Shire,waxayna si adag uga jawaabeen eedo uu Golayaasha Sharci dejinta uu u soo jeediyey, iyagoo xusay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu uu dib u dhac balaadhani ku yimid.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladu ayaa ugu horeyn, wuxuu tilmaamay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu ay noqotay fadhiid, isla markaana laga leexday dariiqii saxda ahaa, waxaanu tilmamaay inay Golaha uga yeedhi doonaan Wasiir Sacad.

Waxa uu yidhi “Anigu Guddoomiyihii Guddida Arrimaha Dibadda, ayaan ahay, Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiilada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wey wada shaqeeyaan, mar haddii aanu nahay Guddidana dad badan baa na weydiiya oo nagu yidhaahda isma soo tarayaan Arrimihii Dibadda ee maxa dhacay, arintaasina wey jirtaa oo ma dafirayo, ee waa wax isa soo tarayey, laakiin maxa sababay ayaa muhiim ah, waa wax isa soo taraayey oo soo socday, waxaana sabab u ah Siyaasadeenii hore ee soo jirtay, ee Arrimaha Dibadda, oo khaldanayd, dariiq khaldan bay haysay, intii hore Dawladda Somaliya awood daradeeda ayeynu ka faa’iidaysanay, oo aynu meelahaas carcaranaynay, laakiin imika Somaliya Dawladnimadeedii wey soo koraysaa, wax badan bay gacanta ku qabanaysaa, dabadeedna albaabo badan iyo meel badan bay doonaysaa inay inaga xidho, qoladii hore ee joogtay iyo qoladana waa sii kala jaad, oo kuwii hore waxay ahaayeen niman doonaya inaynu heshiino, ama wax wada yeelano, ama si wanaagsan u kala tagno, qoladana waa reer xamar yar yar oo dunidu siday tahay waxba ka garanaynin, waxayna ka helayaan anigaa Madaxweyne ah anigaa Madaxweyne ku xigeen ah”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Shirarka loo qabto Somaliya ee Somaliland qaadacdo, ayaa yidhi  “Waxaan leeyahay Sacad yaanu waxba yaabin,Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda ee aqoon raadsigu waa qardo jeex, Somaliya in shirarka looga yaaco may ahayn, ee waxay ahayd in lala fadhisto, oo dhinaca la qabsado, oo la yidhaahdo anaga oo aad na kala saartaan mooyaane waxba ma sameeysmayaan, Shirkii Carta waa la inooga yeedhay, Shirar kale waa la inooga yeedhay, maalintii aanay awooda lahayn haddii aynu qabsan lahayn, maanta arinkeenu halkaas muu soo gaadheen, dadkii yidhi Somaliya cidna kala hadli mayno waa muqadas, waa siyaasad khaldan, waa inaynu cid walba kala hadalnaa qadiyadeena, waa in Shirarka muhiimka ah aynu tagnaa, ee Somaliya arimaheeda lagaga hadlayo, waxba yaanu Sacad Barlamaankiisa ku soo noqonin, ee isaga laftiisu waa anbad, bari hore ayaanu ku nidhi sidan waxba ku iman mayaan ee wax ka bedel, oo dib aynu ugu noqono Siyaasadeena arrimaha dibadda”.

Mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Xukuumadda waxaan leeyahay, Muuse waxaan leeyahay Sacad waxaan leeyahay aynu isku nimaadno, oo aynu dib u eegno Siyaasadeena Arrimaha Dibadda, oo shaqeyn mayso oo waa madhalays, ee waxba yaanu Sacad Barlamaanka ku soo meeraysanin, kuna gafin, isaga ayaa lacagtii haya, anagu lacag ma hayno, Baarlamaanku lacag ma hayo, Sacad laba milyan baa loo dhiiba, oo lacag ka badan baa Ictiraafka loogu dhiibaa, jeebka dambe ayuu ku haystaa, qaar uu adeer u yahay iyo macalimiin bari hore wax u dhigi jiray ayuu yidhaahda wax qor qora, cidna waxba kama siiyo, Siyaasada Arrimaha Dibaddu wey khaldan tahay, dariiq khaldan bay haysaa, waa in inaga Shirarka la inooga yaaca, waa in la yidhaahda maxay Somaliland u imanaysaa, laakiin inagii baa fursad siinaynaa, Sacad Cali Shirena, Golaha ayaanu uga yeedhi doonaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa isna dhankiisa dhaliilo u soo jeediyey Wasiir Sacad, waxaanu xusay in Wasiir Sacad loo dhiibin Wasaaraddii ku haboonayd, waxaanu yidhi  “Marka hore Ixtiraam badan baan u hayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu maaha Wasaaraddii ku haboonayd, ee Sacad Cali Sihre waxaa ku haboonayd in loo dhiibo Wasaaradda Qorsheynta ama Wasaaradda Ganacsiga,maxa yeelay 2010, markii Dawaladdii Kulmiye, ay qabsatay dalka, Wasiirkii ugu horeeyey ee Arrimaha Dibadda ee Maxamed Cabdilaahi Cumar, ee aanu dhaliili jirnay, ayaaba dhaamay oo odhan jiray meeqaam sare ayaa lanagu qaabilay, dhaq-dhaqaaq buu sameeyey, fashilaada iyo dib u dhaca ku timid Wasaaraddiisa yaanu  waxba Sacad kula soo galgalan Barlamaanka, anagu xaq baanu u leenahay, in aanu dhaliilno, in aanu toosino, in aanu wax u sheegno, Dawladii UDUB, ee Dawladii Kulmiye xilka kala wareegtay, markii ay joogtay wuu soo uraayeyy Aqoonsigu, wuu soo ifaayey, waanu soo bidhaamayey, Dawladdaas UDUB, ee ay iskaga dambeeyeen ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waxa go’aan lagu gaadhay in aan la hor fadhiisan Somaliya, oo haba yaraate aan waxba lala wadaagin, Wadankuna uu qabooba, oo waxba la inama siin jirin, Deeqna Caalamku inamuu siin jirin, haddana dadku wey noolaayeen, oo dabkay shidanayeen, ilaa markii dambe la gaadhay Daahir dabadii daba lama shidan, oo qaybo ka mid ah dalkii waxa loo xidhay Ajaanib, ama Dekad ha la siiyo ama Saldhig ha la siiyo, wax alaale waxaynu weydaarsanayna ma jiraan, Sacad Cali Shire ama ha ka galgasho ama yaanu ka galgalinine, wuxuu ku suntan yahay ninkii dhaxal wareejiyey Berbera, inuu dilaalay Dekadii Berbera DP World, reer Berberi ilaabi mayaan, barigii aanu ku jirnay dooda Dekadda, waxaanu ku cel-celin jirnay DP World waxba inoo qaban mayse, sidii ay u soo xidhay Dekadaha la tartamaya ee mandaqada, ayuun bay tana u xidhaysaa, saddex sanno ayey ku dhaw dahay markii ay Dekadda la wareegtay, waxay tidhi wax baan balaadhinayaa, may balaadhin, Berbera Corridoor, waxaa lagu soo daray dhammaan mashaariicihii iyo heshiisyadii kala duwanaa, ee ay ku qaateen xaqul qalinka, ee uu afkiisa ka qirtay Sacad Cali Shire, ee uu yidhi xaqul qalin ayaanu qaadanay, anaguna barigii Barlamaanka ee dooda lagu jiray waxaan idhi Xaqul qalinka macnihiisu waa laalush, 15 milyan ayey wadankii dhammaa siisteen, waxaana leeyahay Sacadaw falaadhi gilgilasho kagama go’do, waxaanad ku sun tahay ninka albaabada u soo xidhay Siyaasadii Arrimaha Dibadda Somaliland, ee ceebtaada waxba ha kula soo galgalan Golayaasha Sharci-dejinta, anagu xeerar baanu dajina, adigana waanu kugu ilaalinaa, wakhtigii UDUB, Basaboorka Somaliland waxaanu ku tagnay dalal badan sida Ghana, Tansaaniya, Ruwaanda,Kenya, Uganda iyo wadamo badan oo kale, wufuuda Xildhibaadu wey is weydaarsan jireen, Jendayi Frazer (Sarakaaladii Maraykanka u qaabilsanayd Afrika) ayaa dalka timid, oo taariikh ahayd, Midawga Afrika ayaa qoray warbixin ah inay Somaliland istaahisho in la aqoonsado, laakiin maanta waxaanu maraynaa meel aad u liidata”.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Barlaaman, aan ahayn Barlamaanka Somaliland, ay ku shiraan dalka gudihiisa, gaar ahaan Magaalada Laascanood, waxa kale kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu saami qaybsiga uu ka badheedho, isla markaana wax haboon aanay ahayn in Madaxweynuhu uu Golaha u soo gudbiyo in Doorashada lagu galo sidii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com