Fashilka kale ee ku yimid doorashada & Koofur Galbeed oo ku dhow iney…

Muqdisho (Caasimada Online)-Dib u dhac iyo fashil kale ayaa ku yimid jadwalka doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka maadaama maalintii shalay ay ku ekeyd soo gudbinta liiska ergada doorashada aqalka hoose aan lasoo gudbin.

Gudiga doorashada maamul goboleedyada dalka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in maamulka koofur Galbeed uu ku dhow yahay dhameystirka soo gudbinta gudiga dooranaya xildhibaanada maamulkaasi ka imaanaya kana mid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka.

Maamulka koofur Galbeed ayaa la sheegay in inta badan ay soo gudbiyeen magacyada xubnaha gudiga doorashooyinka heer maamulka, waxaana xildhibaanada koofur Galbeed ka imaanaya ay gaarayaan 68 xildhibaan.

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal iyo mid dowlad goboleed ayaan weli ka hadlin arrinta dib u dhaca soo gudbinta liiska magacyada ergada doorashooyinka aqalka hoose.

Dib u dhaca ayaa lagu  jil-jileec xagga guddyadaas ah, kuwaas oo ilaa hadda ku guul-dareystay xakameynta jawdwalka doorashada dadban ee 2016-ka.

Arintaan ayaa qeyb ka ah fashilka iyo dib u dhacyada ku yimaada doorashada sanadkaan loo qorsheeyay iney ka dhacdo dalka Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com