XOG: Musharaxiinta oo bilaabay qorsho cusub oo kadhan ah Xassan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda shirar aan caadi aheyn oo u dhexeeya qaar kamid ah Musharaxiinta la loolameysa Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday.

Shirarkaani oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa lagu qorsheynayaa in Musharaxiinta qaarkood ay sameeyan tanaasul si musharaxnimada ay isugu soo uruurto laba ilaa hal.

Qorshahaani ayaa waxaa la doonayaa in loogu midoobo Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh, waxa ayna Musharaxiintu qabaan inaan Xassan laga guuleysan doonin waa haddii aan loo tanaasulin laba Musharaxa oo saameyn leh.

Qaarkood ayaa qaba in isa sharaxida dhowr Musharax ay hoos u dhac ku keeneyso suuragalnimada in laga itaal-roonaado Xassan Sheekh.

Qorshahooda cusub ayaa iminka ah in loo tanaasulo Sheekh Shariif iyo Musharax kale si culeyska loo saaro labadaasi Musharax isla markaana ay kaga guuleystaan Xassan Sheekh.

Musharaxiintaani mucaaradka ah waxa ay si cad kaga soo horjeedan in Xassan Sheekh uu mar kale qabto xilka, waxa ayna taa ka doorbidayaan in bedelkiisa uu xilkaasi qabto Musharax iyaga kamid ah.

Musharaxiinta qaar ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad aan taageero ku dhex leheyn Siyaasada dalka kuwaasi oo doonaaya inay galaan Taariikhda.

Si kastaba ha ahaatee waxan iminka la saadaalinkarin saameynta Xassan Sheekh ay ku yeelankarto tanaasulka ay Axsaabta mucaaradka u sameynayaan laba Musharax oo iyaga kamid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com