Ciidamada DF oo xoog ku galay goobta lagu dhisayo Maamul ka dhan ah Midka Jowhar

Beledweyne (Caasimada Online)- Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gudaha u galay halka uu ka socdo dhismaha maamulka ka dhanka ah maamulka HIRSHABEELE ee ka socdo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay iney galeen Baar Xasan DIIF oo ah goobta lagu sameynayo maamulka HIIRAAN State loogu magac daray ee ay wadaan odayaasha dhaqanka ee HIIRAAN.

Odayaasha dhaqanka ayaa diidan dhismaha maamulka Hir Shabeele, waxayna doonayaan iney sameystaan maamul iyaga u madax banaan yihiin.

Amarka ciidamada ku galeen baarka ayaa la sheegay inuu bixiyay taliyaha ciidamada ee Hiiraan, waxaana uu doonayaa sida la sheegay in la joojiyo dhismaha maamulka Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ay wadaan.

Odayaasha ku shirsan Beledweyne ayaa Dhankooda  sheegay in Ciidamo katirsan Dowlada ay  tageen halka shirka uu ka socday ayna weydiiyeen odayaasha Cida sugeysay AMnigooda.

Magaalada Beledweyne waxaa shalay lagu soo Gaba-gabeeyay kulan lagu soo bandhigay dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State oo dhawaan ay Duubabka-dhaqanka dhismihiisa uga dhawaaqeen magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com