Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashada iyo aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha caalamka ayaa war kazoo saaray doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo walaac badan laga muujinayo iney markale dib u dhac uu ku yimaado.

Beesha caalamka ayaa ka hadlay qoondada haweenka oo horey loogu balamay iney sanadkaan noqoto 30 %, waxaana si gaar ah looga hadlay xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka  iyo doorka haweenka ku yeelan karaan.

QM, Midowga Europe, Midowga Afrika, IGAD iyo dowladaha Mareykanka, Sweden iyo Talyaaniga oo soo saaray war qoraal ah ayaa waxay ku sheegeen in maamul goboleedyada looga baahan yahay iney dhameystiraan qoondada haweenka ee aqalka sare.

“Saaxiibadda Caalamiga ee Somaliya waxay soo dhaweeyeen go’aanka ay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ku dhowrayaan Sharciga iyo Ballanqaadyadda ay Hoggaamiyayaasha Somalida sameeyeen.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Xubnaha beesha caalamka waxay la dhaceen doorka haweenka ee laga siiyay aqalka sare, dadaalkaasi oo lagu amaanay maamulka koofur Galbeed.

“Beesha Caalamka waxay soo dhaweysay talaabadda ay Maamul-gobaleedka K/Galbeed ku soo dhamaystireen Koontadda Haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com