Rasaas laga maqlaayo magaalada Gaalkacyo iyo waxgaradka oo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa mar kale Saaka uu dagaal culus ka socdaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka iminka socda ayaa la sheegayaa inuu yahay mid ka duwan kuwii hore waxaana la maqlayaa dhawaqa Hubka culus.

Hubka culus ayaa waxa uu kasoo dhacayaa dhanka Puntland waxaana Saaka cidla ah dhammaan xaafadaha labada dhinac ee uu dagaalka ka socdo.

Dagaalka rasaastiisa la maqlaayo ayaa waxaa bilaabay ciidamo la sheegay in Xalay ay usoo hoydeen magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo kala taabacsan labada dhinac.

Waxgaradka labada dhinac ayaa Saaka bilaabay is uruursi waxa ayna ku dadaalayaan in xaalada sidii hore lagu soo celiyo, waxa ayna dadka ku dhaqan magaalada iyo duleedkeeda xalay si wayn uga barakaceen magaalada.

Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa soo laalaabtay waxaana suuragal ah in maanta uu sii socdo dagaalka ama lagu guuleysto damintiisa.

Docda kale, xaalada Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa adag in wax laga ogaado.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com