Xog: Mareykanka oo si cad uga soo horjeesatay dhismaha maamulka Hir-Shabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan xubno ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in Dowlada Mareykanka ay ka hor imaaday dhismaha maamulka cusub ee lagu mideeyay Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasi oo loogu magacdaray Hir-Shabelle.

Xubnahaani oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Dowlada Mareykanka aysan ku qanacsaneyn dhisida maamulka cusub, kadib markii ay DFS baal-martay tallo ku aadan dhismaha oo ay soo jeedisay Dowlada Mareykanka.

Rabitaanka Mareykanka ayaa ahaa in dhisida maamulkaasi laga dhigo doorashada Somalia kadib, hayeeshee aysan iminka ku qancin hanaanka lagu dhisay maamulka cusub.

Mareykanku waxa uu ku doodayaa in dhisida maamulka cusub aan loo marin rabitaanka shucuubta kasoo kala jeeda labada Gobol, balse ay u muuqaneyso mid qoor qabad ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale arrintaan ku wargalisay dowladda Xasan Sheikh Maxamuud, iyadoo ku andacooneysa in laga tagay talooyinkeeda balse aysan aheyn mid iyana ku qanacsan dhismaha maamulka cusub.

Danjire Stephen Schwartz oo Dowlada Mareykanka u fadhiya Somalia, ayaa isna madaxa ka raariciyay qaabka loo dhisay maamulka Hir-Shabelle waxa uuna sheegay in lagu degdegay dhisida maamulkaasi.

Stephen Schwartz, waxa uu sheegay in DFS ay ka talaabtay tallooyinka saaxiibada Somalia, sidaa darteedna mowqifkooda uu yahay mid aysan ku qanacsaneyn maamulka cusub.

Dowlada Mareykanka ayaa faragalin lixaad leh ku heysa Siyaasada Somalia, waxa ayna iminka garwaaqsan tahay in ujeedka loo dadajinaayo maamulka cusub uu yahay mid uu Xassan Sheekh ku raadinaayo codadka Xildhibaanada maamulkaasi uga mid noqon doona BF ee soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Maamul u sameynta goboleedka Hiiraan iyo Sh. Dhexe ayaa ka socda magaalada Jowhar, ayada oo la dhaariyey xildhibaanadii soo dooran lahaa madaxweynaha maamulkaas uu yeelandoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com