Ciidamo lagu daadiyay jidadka Garoowe iyo cabsi laga qabo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo aad u farabadan ayaa waxaa lagu arkayaa dhammaan waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Ciidamadaani oo aad u farabadan isla markaana wata gaadiid dagaal ayaa waxaa lagu daadiyay waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Garoowe.

Taliyaha booliiska Puntland, Gen. C/qaadir Shire Faarax ayaa sheegay in ciidamada lagu soo daadiyay waddooyinka loola gol leeyahay xaqiijinta amaanka waxa uuna sheegay in dhawaan magaalada ay ka dhici doonaan Doorashooyinka Dadban ee Xubanaha Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Taliyaha waxa uu sheegay in waddooyinka Magaalada Garoowe ay ku sameeyen baro kantarool oo lagu xaqiijinayo Amniga, kuwaasoo lagu baarayo Gaadiidka iyo Shacabka isticmaalaya Waddooyinkaas.

Waxa uu intaa ku daray Taliyaha inay jiraan ciidamo kale oo howlgal baaritaan ah kawada gudaha magaalada, halka sidoo kale baaritaan xoogan lagu bilaabay Gadiidkda iyo Dadweynaha, taasoo qayb ka ah Sugidda Amniga doorashooyinka Dadban ee Somalia.

Maalmaha fooda nagu soo heysa ayaa lagu wadaa in inta badan Caasimadaha maamul Goboleedyada dalka lagu qabto doorashooyinka dadban.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com