Odawaa oo sheegay in ugaaska Xawaadle uu qaatay go’aan ah in…

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cabdirxmaan Xuseen Odawaa, ayaa ka shanqariyay in Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif laga sugaayo magaalada Jowhar.

Odawaa waxa uu sheegay in Ugaaska iyo Saaxiibadiisa ay si diiran usoo dhaweeyen inay ku biiraan shirka Jowhar, waxa uuna tilmaamay in iminka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu soo gaari doono magaalada Jowhar.

Khilaafka ayuu sheegay in laga gudbay isla markaana Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Ugaasyada kale ay garwaaqsadeen in dadkooda ay dhinac karaacan.

Odawaa waxa uu sheegay in Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cali Ugaas Xassan Ugaas Rage oo kamid ahaa garabka Ugaaska Beesha Xawaadle ay ku biireen shirka, isla markaana ay horudhac u ahaayen imaanshiyaha Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Odawaa waxa uu sheegay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu qaatay in la dhameystiro maamulka loo sameynaayo labada Gobol, waxa uuna cadeeyay in Ugaaska qudhiisa uu magaalada imaanayo gudaha Asbuucaani.

Labadii Ugaas ee ku mabda’a ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa iminka u go’ay dhanka shirka Jowhar, waxaana keli noqday Ugaas Xassan oo aan wehel heysan.

Lama oga in haddalka Odawaa uu yahay xaqiiq iyo inkale, inkastoo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uusan wali ka hadal arrintaani.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com