Xog: Email SIR ah oo laga helay musharaxiinta Galmudug (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Email sir ah oo aay heshay Caasimada Online, ayaa wax ka dhex muuqday dhallinyaro uu han weyn uga jiro in aay qaarna noqdaan xildhibaano qaarna aay isu soo taageen jagada madaxweyne ee Soomaaliya.

Email-ada ayaa waxaa sidoo kale la isku dhaafsaday fekrado kala duwan oo ku saabsan dagaalada hadda ka socda magaalada GaalKacyo.

Emailada ayaa waxaa ka mid ahaa dadka is dhaafsanayay Kamal Daahir Xasan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyagoo kula talinayay qaar ka mid abaanduulayaasha ciidanka Galmudug in aanay gelin wax xabad joojin ah ama heshiis ah inta Galmudug ay ka qabaneyso dhammaan magaalada Gaalkacyo.

Fekradaha emailka la isku weydaarsanayay ayaa waxaa sidoo kale ka dhex muuqday safiirkii hore Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya Axmed Cabdisalaan oo isaga ka fekrad duwanaa Kamal iyo Cabdiraxmaan, waxaa uuna soo jeediyay in Puntland si toos loola hadlo oo wada-hadallo lagu dhameeyo.

Waxa uu sidoo kale ka digay in haddii dagaalku sii xoogeysto uu og yahay in Puntland ay kaashan karto Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com