Fashilkii DF ka raaacay aqoonsiga 3-da gobol iyo arrimihi uu soo shaac bixyey

Khilaafka u dhexeeya labada kooxood ee siyaasadda ee Baydhabo, oo ay hoggaamiyaan Maxamed Xaaji Cabdinuur iyo Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa gaadhay heer cusub ka dib markii ay xukuumadda Soomaaliya shaacisay inay heshiis ku dhex dhigtay labada dhinac kulan uu ka maqnaa Maxamed.

Cabdinuur iyo Maxamed ayaa isku hayay sameeyska gobolka cusub ee Soomaaliya ee Koonfur-galbeed taniyo March sannadkii hore, markii labadaba loogu doortay madaxweynenimo labo shirweyne ee iska soo horjeeday oo lagu qabtay Baydhabo, mid sharciyeeynayay maamul-goboleed ka kooban saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, iyo mid kaloo ku baaqayay in gobolka cusub ay sidoo kale ka mid noqdaan Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ee sannadkii hore ku modoobay Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Jubba (IJA).

Laakiin 23-kii June, ayay xukuumadda Soomaaliya shaacisay in madaxweynaha maamulka saddexda gobol, Cabdinuur, iyo wakiillo ka socda maamul-goboleedka ka soo horjeeda ee lixda gobol ee uu hoggaamiyo Maxamed ay isafgarteen oo Muqdisho ku saxiixeen heshiis ah inay si wadajir ah u sameeyaan maamul-goboleed ku-meel-gaadh ah oo ka taliya Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba ha ahaatee Maxamed, ayaa heshiiska diiday, kuna tilmaamay “waxba-kama-jiraan” sababta oo ah wasiirka magaciisa ku saxiixay, Cabdifataax Maxamed Ibraahim, ma uusan mataleeyn isaga waxaana xilka laga qaaday inta uusan wadahadalka ka qeyb qaadan ka hor.

Wadahadal dheeraad ah iyo dib-u-heshiisiin ayaa loo baahan yahay

Heshiisku wuxuu sidoo kale dhalleeceeyn badan kala kulmay hoggaamiye-beeleedyada iyo siyaasiyiinta oo ugu baaqay xukuumadda federaalka ah inay ka noqoto heshiiska oo ay fududeeyso wadahadallo dheeraad ah si loo hubiyo inay dadka ay khuseeyso oo dhan ka qeyb qaataan hannaanka dib-u-heshiisiinta.

Shacabka ayaa sidoo kale ka dhiidhiyay heshiiska, iyagoo muddaaharaadyo socday saddex maalmood oo isxigay ku qabtay Baydhabo kuwaas oo dhammaaday markii ay bisha Ramadaan bilatay 29-kii June.

“Go’aanka xukuumadda [ee ah inay aqoonsato maamulka saddexda gobol] ma shaqeeynayo waayo wuxuu ka soo horjeedaa dastuurka,” ayuu yidhi Xasan Cilmi Yaxye, oo ka mida odayaasha beesha Hawiye. “Dastuurku wuxuu dhigayaa in labo gobol ama ka badan oo is oggol ay sameeysan karaan gobol federaal ah, laakiin shacabka Shabeellaha Hoose diyaar uma aha inay ku biiraan Baay iyo Bakool.”

“Waxaa jira dagaal [qabiil] oo ka socda Shabeellaha Hoose. Waxay u baahan tahay nabadeeyn, sidaas darteed waa inay dadku marka hore heshiiyaan,” ayuu yiri.

Dhiniciisana, Maxamed, madaxweynaha maamulka lixda gobol, ayaa sheegay in arrinka ugu muhiimsan ee meesha yaala u yahay sidii loo hubin lahaa in dadka ka soo jeeda dhammaan qabiillada dega lixda gobol ee la isku hayo ay uga qeyb qaadan lahaayeen siyaasadda oo loogu matalli lahaa dawladahooda hoose.

Intii aan meel dhexe la isugu iman, ayuu yidhi, waxaa loo baahan yahay in wadahadallo dheeraad ah lala galo IJA. “Tani waxay horseedi kartaa in laga heshiiyo sidii loo aqoonsan lahaa [loona ilaalin lahaa xuquuqda] dadka ku nool Jubba oo nagu haybta ah iyo dadka ka soo jeeda Jubba oo ku nool Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu Maxamed yiri.

Heshiiska oo bannaanka u soo saaray khilaaf ka dhex jira xukuumadda federaalka ah

Heshiiska muranka dhaliyay ayaa sidoo kale kala qeybiyay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre uu ka soo horjeestay tallaabada, uguna yeedhay mid aan dastuurka waafaqsaneeyn oo aan waqtigiisii la gaadhin.

“Illaa hadda, Golaha Wasiirradu iskuma aysan afgaran sharci qeexaya nidaamka loo sameeynayo maamul goboleedyada,” ayuu Barre ku sheegay waraysi uu la yeeshay Laanta Soomaaliga ee BBC-da, isagoo raaciyay inay tahay in arrinka dib loo dhigo illaa goorta ay xukuumaddu go’aan cad ka gaadheeyso nidaamka loo sameeynayo gobollada federaalka ah.

Barre ayaa sidoo kale sheegay inaan wasaaraddiisa lagu wargelin heshiiska ayna heshiisyada noocaas ah meel uga dhacayaan shaqada wasaaradda.

Hase ahaatee, Wasiirka Isboortiga iyo Dhallinyarada Khaalid Cumar Cali, oo loo xilsaaray inuu hoggaamiyo wadahadallada labada kooxood ee Baydhabo isagoo matalaya xukuumadda federaalka, ayaa wax aan jirin ka soo qaaday dhaleeceeynta Barre sheegayna inuusan khilaaf ku aaddan sida loo wajahayo xaaladda Baydhabo ka dhex jirin hoggaamiyeyaasha xukuumadda federaalka.

“Madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaruhu waa ay isku wada raaceen. Hoggaanka dalku wuu isku afgartay heshiiska waxaana ansixiyay golaha wasiirrada. Dhammaantood iskuma raaceen haddii uu wax khaldan yahay,” ayuu yiri.

Xaggee halkan laga aadayaa

Ibraahim Cali Axmed, oo ka soo jeeda Baydhabo horayna u noqday guddoomiyaha degmada Saylac xilligii xukunkii Maxamed Siyaad Barre, ayaa sheegay in qaabka kaliya ee uu maamulka saddexda gobol ku guuleeysan karo ay tahay in la sameeyo wadahadallo dheeraad ah iyo nabadeeyn.

“Marka hore waa inay la fadhiistaan oo qanciyaan madaxweynaha lixda gobol, Madoobe Nuunoow [Maxamed]. Waa inay sidoo kale la heshiiyaan dadweynaha. Taas weeye midda xalka keeni karta,” ayuu yiri. “Wax shaqeeynaya ma jiraan haddii aan lagu bilaabin wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.”

Axmed ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha maamulka saddexda gobol inay hubiyaan in qabiillada laga tirada badan yahay ee ku nool gobolladaas laga qeyb galiyo sameeynta maamul-goboleedka cusub.

Wasiirka Qorsheeynta iyo Iskaashiga ee maamulka saddexda gobol Maxamed Cabdullaahi Mursal ayaa sheegay inay mas’uuliyiinta gobolkiisu qorsheeynayaan inay wadahadal la yeeshaan dhammaan qabiillada ay khuseeyso taas oo qeyb ka ah heshiiska.

“Danta Soomaaliya kuma jirto khilaafaad cusub,” ayuu sheegay. “Waxaan qof walba oo gobolka ka soo jeeda siinaynaa fursad uu uga qeyb qaato maamulka. Waxaan la hadleeynaa cid walba waxaana noo furnaanaya albaabka wadahadalka.”

Mursal ayaa sheegay inay sameeynayaan maamul ay dadka saddexda gobol ku nool oo dhan u siman yihiin lana soo dhaafay xilligii xoog wax lagu kala qaadanayey.

“Waan ka soo baxnay dagaalkii sokeeye dibna uguma noqoneeyno kaas. Waxaan ballan-qaadeeynaa inaan miiska wadahadalka ku qaabilno qof kasta oo aan dooneeyn inuu wax ku helo dagaal iyo qoriga caaraddiisa,” ayuu yidhi.

isha: Sabahi Online