Faysal Cali oo shaaciyey in VIILLA SOMALIA ay laba awoodood adeegsaneyso

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Arrimo badan oo xasaasiya oo ay ka mid tahay safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Gini.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu  horeyntii si weyn ugu mahad-celiyay Madaxda iyo shacabka wadanka Gini, sidii meeqaamka sarre ahaa ee ay u soo dhaweeyen wafdigii Madaxweynaha Somaliland, isagoona ku tilmaamay inay tahay talaabo ay Somaliland qaaday oo u horseedi karta siday u heli laheyd aqoonsi caalamiya.

Faysal ayaa ka dhawaajiyey inaysan dowlad ka jirin dalka Somaliya, isla markaana ay qalad weyn aheyd inay Somaliland ay tidhaahdo wada-hadal baanu la galeyna dowlad aan jirin.

Guddoomiyaha ayaa waxa kale oo uu shaaciyay inay Somaliland ay soo saari doonto go’aan ay ku joojineyso wada-hadalada kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya isla marka uu Madaxweyne Biixi kasoo laabto safarkiisa dalka Gini.

Faysal ayaa sidoo kale dhaliilo culus u jeediyey Dowladda Federaalka, isagoona sheegay inay Villa Somalia ay sidey doonan ka yeelan shaqsiyaad uu ku sheegay 4-qof oo uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey labo awood ay isticmaalan shaqsiyaadka uu ku sheegay inay gacanta ku hayaan Villa Somalia, kuwaasi oo ku kala sheegay awood lacageed iyo mid ciidan ajnabi ah, oo labadoodaba ay gacan ka geystan waddamo shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u weeraray Madaxweyne Farmaajo oo uu ku sheegay shaqsi madaxa wax ka qaba oo qabiiliya, isagoona ku tilmaamay hadhaagii Maxamed Siyaad Barre.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu dambeyntiina Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ugu baaqay in uu mideeyo umada reer Somaliland oo uu sheegay inay kala qeybsanaan soo kala dhex-gashay waqtigii lagu jiray ololaha doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com