Faysal Cali Waraabe oo Xasan Sheekh ku weeraray dagaallada SH/HOOSE

Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID  Faysal Cabdulaahi Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Faysal Cali, ayaa sheegay in dagaalka Shabeelaha Hoose uu calaamad u yahay waxa uu ugu yeeray “fashilka iyo nasiib darada dowlada uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud”.

Wuxuu sheegay in dagaaladaasi ay sababayaan maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya, iyada uu sheegay inay kordhineyso inlagu duulo mid kamid ah beelaha aan hubka weyn ku heysan deegaanadooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkaasi ayuu sheegay inay dowlada Soomaaliya ku weyn karto taageeradii ay beesha caalamka ka heli jirtay iyo inay caalamka wax la qeybsato sida uu hadalka u dhigay Faysal Cali Waraabe.

“Dowlada Xasan Sheikh ayay nasiib daro ku tahay dagaalka ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose, aniga meesha ma deji laakiin waxaan sheegayaa in beesha laga hub badan lagu duulayo, waxaa taasi sababaya habka maamul u sameynta loo wajahayo”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu dam beyn sheegay in dowlada Xasan Sheikh ay ku fashilantay qaabka loo wajahayo xalka dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dagaalada gobolka Shabeelada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com