Ma ka dhabbaa EU iyo OXFAM BALLAN qaadka cusub ee ku wajahan Somalia?

London (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo Oxfam ayaa maanta daah-furay mashruuc soconaya saddex sano oo sare loogu qaadayo, isla markaana lagu kaabayo wax soo saarka kalluunka Soomaaaliya.

Mashruuca ayaa ka mid ah barnaamij lagu maalgelin doono 5 milyan oo Euro oo laga hergelin doono deegaannada maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo haddii lagu guuleysto la gaarsiin doono gobollada kale ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Yurub iyo hay’adda Oxfam ayaa lagu sheegay in biyaha badda Soomaaliya ay ka mid yihiin kuwa ugu qanisan goobaha kalluumaysiga ee Afrika isla markaana ay weyn tahay baaxadda dhulka xeebaha ah ee kalluumaysiga ku habboon.

Kalluumeysatada Soomaalida ayaa la sheegay in aysan heysan doonyo iyo qalab kalluumeysi.

Barnaamijka qaybta u gaarka ah Somaliland oo maanta la billaabay ayaa waxaa fulinaya hay’adda Oxfam iyo ururka maxaliga ah ee Havoyoco, iyagoo la shaqaynaya wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee maamulka Somaliland.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Somaliland Cali Jaamac ayaa sheegay in mashruuca uu ka qeyb qaadan doono horumarinta kalluumeysiga.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa isna sheegay in ay jiraan fursado waaweyn oo kalluumaysi oo aan laga faa’iidaysan taasoo keeni karta faa’iidooyin dhaqaale oo muhiim u ah dhulka xeebaha.

Si kastaba dalalka reer galbeedka, ayaa mar walba ballanqaadyo u sameeya Soomaaliya, hase yeeshee inta badan ficil lagama arko,waxaana hadda ay dad badan is-weydiinayaan Ma ka dhabbaa EU iyo Oxfam ballan qaadka cusub ee ku wajahan Somalia?

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com