Faysal Cali Waraabe oo laga gudbiyey dacwad la xiriirta maamulkii uu sheegay in DF ay ka dhiseyso Somaliland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe.

Faysal ayaa hore u sheegay in dowladda federaalku ay ku howlantahay inay maamul cusub ka sameyso deegaanada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin deegaanada ay maamusho Somaliland.

Xildhibaanad oo si adag u dhaliilay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa kale oo ay ku eedeyen inuu xidhiidh hoose la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay ka diifaaceen guddoomiyahooda golaha eedeymo uu dhowaan u soo jeediyay Faysal, kuwaasi oo ahaa in uu Guddoomiye Baashe uu maamulo xildhibaano la soo doortay, xili uu isagu ku yimid wax uu ku sheegay ‘is-xambaar’.

Faysal ayaa waxa kale oo ay xildhibaanadaasi ku eedeeyen in uu isagu gudaha Somaliland ka dhex wado kala qeyb-qeybin, isla markaana uu ku howlan-yahay waxkasta oo ka hor imanaya midnimada Somaliland, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xildhibaanadan ayaa ugu dambeyntiina waxay ka dhawaajiyeen inay ku howlanyihiin in goluhu uu dacwad dastuur ah ka gudbiyaan Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe oo ay sheegen in uu caqabad weyn ku yahay midnimada Somaliland.