Dib u dhac markale ku yimid soo xulista xildhibaanada maamulka GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helao magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qorshaha ayaa ahaa in 9-ka bishaan oo maanta ku beegan la shaaciyo liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Arrintaan ayaa dib u sii dhigeysa doorashada oo horay guddiga farsamadu uu soo saaray jadwalkeeda, waxaana la filayey in maanta la shaaciyo baarlamaanka, berina ay u guda galaan howlaha shaqo ee loo igmaday.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada looga yeeray magaalada Muqdisho, islamarkaana la hakiyey howlaha doorashada maamulkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintaan, balse waxaa weli jira is faham waa u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeyso, iyadoo ay soo baxayaan daloolo cusub oo sii adkeynaya dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah.

Sida uu shaaciyey guddiga farsamada guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa la dooran doonaa 13-illaa 16-ka bishaan December, halka Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa la dooran doono 17-la bishaan ee 2019-ka, balse waxa ay u muuqataa in uusan dhaqan geli karo jadwalkaasi marka la fiiriyo, sida ay hadda wax u socdaan.

Galmudug waxa ay tan aas aas-keedii wajaheysaa khilaafaad lugaha qabtay maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey horumarka gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Khilafaadkaas ayaa sidoo kale sababay in Galmudug ay noqoto maamul liita, marka loo eego maamullada kale ee ka jira dalka.