Ciidamada Somaliland oo xoog kula wareegay hotel la suray calanka Soomaaliya

Laascaanood (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay si xoog ah kula wareegeen hotel maanta laga furayey magaaladaasi.

Ciidamada ayaa markii ay xoog ku galeen hotelka xili ay socotay xaflada furitaankiisa, ayaa waxay isla markiiba dajiyeen calanka Soomaaliya oo hotelka sudhnaa iyo midka Kenya oo isaguna ku lamaana.

Wararka aanu ka helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Somaliland  ay xabsiga u taxaabeen Mulkiilayaashii hotelkaasi, oo ku sugnaa xaflada furitaanka.

Waxa sidoo kale Ciidamadu xabsiga dhigeen wariyayaal ka qeyb galay xafladaasi furitaanka Hotelka oo iyagu ka qeyb ahaa soo tebinta xafladaasi, iyadoona ay goobta ka carareen dad badan oo ku sugnaa munaasibada furitaanka Hotelkaasi.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa si adag uga biyo diidanaa calanka Soomaaliya ee la sudhay hotelkan cusub, midaasi oo dhalisay in ay khal-khal galiyaan xaflada furitaanka Hotelka, isla markaana xabsiga u taxaaban mulkiilayaashiisa.

Somaliland ayaa inta badan qaada talaabooyin aan loo meel dayin oo ay kaga soo horjeedo calanka buluuga ah ee Soomaaliya, iyada oo horena deeganadeeda ugu xirtay dad ku labistay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya.

Ilaa iyo haddana ma jirro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee gobolka iyo xukuumadaba oo ku aadan weerarkan ay maanta ka geysteen ciidamadu hotelka cusub ee laga daahfurayey magaalada Laascaanood.