Waraabe oo dalbaday arrin ka dhan ah odayaashii ka tegay Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddooomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay arrimo ergada oday dhaqameedyada ka baxay Muqdisho ee nabadeynta u tegay magaalada Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in odayaashaas ay mareen waddo qaldan, isla-markaana dadaalkooda ay markii hore ka bilaabeen meel ka baxsay  Somaliland oo ah Garoowe.

“In Ummada is qabataa la dhex-dhexaadiyo waxaa weeye waa mid meesha ku jirta, laakiin nimankan waxaa ka xumaaday waddadii halka ay soo mareen waad ogtihiin Garoowe ayay ka dageen, ma Somaliland-baa?. Laascaanood ayay haddana yimaadeen waad arkeyseen waxay ku hadlayeenm” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Mudane Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in odayaasha aysan aheyn dhex-dhexaad, isla-markaana ay wax ka qaban lahaayeen xaaladaha ka taagan Soomaaliya.

“Waxaan u aragnaa annaga in nimankaan aysan wadin sulux, horana waan u iri. Nimanka tooda ayay dhex-dhexaad ka noqon waayeen teena dhex-dhexaad kama noqonayaan.” ayuu raaciyay.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii hadlaya ayaa ugu baaqay odayaasha ka tegay Muqdisho ee haatan ku sugan Hargeysa in ay isaga tegaan Somaliland, kuna laabtaan Muqdisho

“Aniga waxaa dhihi lahaa iska noqda Somaliland iyo reer Laascaanood dad walaalaa weeye annaga heshiineynee tiiniibaa baylah ahee tiina hagaajiya” ayuu mar kale yiri Faysal.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ugu baaqay inuu guda-galo doorashada, si xal waara loogu helo xiisadaha ka taagan Somaliland.

Si kastaba, odayaasha ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxayna haatan kulamo ka wadaan caasimada Somaliland ee Hargeysa.