Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliya oo bayaan culus soo saaray

Kampala (Caasimada Online) – Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa laga soo saaray bayaan 5 qoddob ka kooban.

Bayaanka kasoo baxay madaxdan ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu isla qaateen hirgelinta habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo sida qorshuhu yahay Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa qiray muhiimada in la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah bayaanka kasoo baxay shirka maalmihii dambe ka socday Kampala, in la qaado cuna-qabateynta hubka, lana dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

Madaxda ayaa waxay bogaadiyeen guulaha ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka soo hoyeen howl-galka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaano horleh.

“Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri bayaanka kasoo baxay shir-madaxeedka dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay baahisay Villa Somalia.

Shirkaan oo muhiim u ahaa xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya ayaa waxaa marti-galinayay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana ka qeyb-galay madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.