Sawirro: DF oo Muqdisho ka daah-furtay ‘shir heer sare ah’ oo ku saabsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furtay shir heer sare ah oo looga hadlayay dardar-gelinta howlaha gurmadka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka.

Waxaa shirkan kasoo qeyb-galay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wakiilo ka socday deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha gar-gaarka Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirkaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee gar-gaarka ka shaqeeya, masuuliyiin ka socotay dowlad-gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gar-gaarka ee maxaliga ah.

Gudoomiye ku-xigeenka hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Dr Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ka dhawaajiyay in ujeedka u weyn ee shirkaan uu yahay sidii loogu codsan lahaa deeq-bixiyayaasha in kor u qaadaan deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, ee arrimaha bini’aadannimo.

Qorshaha dowladda ee kor u qaadista deeqaha ay ka hesho deeq-bixiyayaasha caalamiga, ayaa door muhiim ah ka qaadanaya “sidii ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog-fog ee dalka.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, islamarkaana uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.