Uganda oo shaacisay go’aan cusub oo la xiriira ciidamada ka jooga Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Abubaker Jeje Odongo oo go’aankan cusub ka sheegay shirka Wasiirada ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Kampala, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladdiisa ay ka shaqeynayso hirgelinta qorshaha ay ATMIS uga hayaameyso dalkeena marka la gaaro 2024-ka.

Wasiir Odongo ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda federaalka Soomaaliya gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaabulka ciidamada shisheeye, si ay ugu biiraan dagaalka socda, isagoo ka dhawaajiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida.

“Uganda waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii oo ay gacan ka geystaan soo celinta nabadda dalka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Uganda.

Waxa uu intaas kusii daray “Bishii hore, 2,900 oo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si guul ah loogu soo gaba-gabeeyeyay tababarkooda ciidan ee Uganda.”

Odingo ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dufcad kale oo ka kooban 3,000 oo askari ay bilaabeen tababarkooda, taasi oo qayb ka ah dadaalka socda ee sidii ay ciidamada Soomaalida ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga ee 2024-ka.

Ugu dambeyntiina wuxuu bogaadiyay dadaalka ay wadaan ciidamada amaanka oo kaashanaya dadka deegaanka, si dalka looga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Si kastaba, Uganda ayaa martigelineysay maalmihii u dambeeyay kulan muhiim u ah ammaanka Soomaaliya iyo howl-galka ATMIS, kaasi oo qeyb ka ahaayeen taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo wafuud ka kala socota Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya.