Hanti-dhawrka guud oo war kasoo saaray tallaabo ‘dhif iyo naadir ah’ oo uu qaaday WEHLIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa ka hadlay tallaabo “dhif iyo naadir ah” oo uu qaaday Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye, oo shalay mag-dhaw ka bixiyay hanti dowladeed oo uu iibiyay markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Wehliye oo ka tirsanaa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, markii ay dowladdu bur-burtay ee dalku uu dagaallo sokeeye cagaha la galay ayaa wuxuu iibiyey gaarigii dowladda ee gacantiisa ku jiray.

Ninkan ayaa shalay sheegay in gaarigii uu ku iibiyey lacag dhan 12,500 oo dollar, wuxuuna 32 sano kadib uu shalay lacagtii si toos ah ugu shubay Bangiga Dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

Tallaabada uu qaaday Wehliye ayaa waxaa si weyn u bogaadiyay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo isagu kal hore ku baaqay in dadka ay weli ku maqan tahay hanti dowladeed ay dib ugu celiyaan hay’adihii asal ahaan u lahaa markii hore.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu markale ku celiyay “in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Waa dhif in dadkii boobay ama xiligaas si un ay xagooda u martay hantidii dowladda ee dib ugu soo celiyey qaranka, markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad xoog leh oo hey’ado dhisan leh aadna u qalabeysan, inta badan hantidii dowladda waa la boobay, mana badna dadka go’aansaday inay dib u soo celiyaan xisaabihii dhinacooda maray, si lamid ah geesinimada uu maanta sameeyey Cabdiraxmaan Wehiye.