Mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan xulka qaranka oo laga reebay tartanka U17

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah ciyaar-yahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17-jirada Soomaaliya ayaa la shaaciyay in laga reebay tartanka kubadda cagta ee U17, kaasi oo maanta ka bilaaban doona magaalada Algeris, ee dalka Algeria.

Ciyaar-yahankaan oo lagu magacaabo Cabdixaafid ayaa waxaa la sheegay in laga reebay tartanka, kadib markii la marsiiyay baaritaanka MRI-ga oo lagu ogaanayo da’da qofka, uu soo saaray in Cabdixaafid uu ka weyn yahay da’da 17 sano.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay arrintaan, oo lagu sheegay in nasiib daro ay tahay ciyaar-yahan oo kamid ah kuwa ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17-jirada laga reebo tartanka.

“Waxaa maanta soo baxday natiijada MRI la marsiiyay cayaartoyda qaranka oo lagu ogaanayay in ay yihiin da’da saxda ah ee tartanka ka qeyb-geli karta. Nasiib darro Soomaaliya waxaa naloo soo sheegay in uu dhacay cayaar yahan Cabdixaafid Maxamed” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Xiririka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay inuu dalbaday cadeymo dheeraad ah oo la xariira natiijada Cabdixafiid, maadaama baaritaanada qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay Scan-du sheegeen in ciyaar-yahankaan uu gudbay.

“Cabdixaafid ayaa qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ku gudbay 5+ oo ahayd marxaladda ugu dambeysa inta aan la gaarin marxaladda 6 oo ah marxaladda dhicitaanka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu dalbaday xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya muqaalada scan-ka MRI ee lagu baaray ciyaar-yahan Cabdixaafid.

“Xiriirku wuxuu dalbaday muuqaalada MRI-gii la saaray cayaaryahan Cabdixaafid wixii kasoo kordhana waan la wadaagi doonaa bulshada Soomaaliyeed insha allah.”

Ciyaar-yahankan ayaa kamid ahaa ciyaar-yahanadii 17-jirada ee sida weyn uga soo dhex muuqday Xulka Qaranka 17-jirada Soomaaliya, waxaana tallaabadan looga reebay tartanka lagu macneeyay mid dhabar jab ku ah xulkaan.