DF Soomaaliya oo taageero cusub u heshay qaadista cunaqabateyn saaran

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero horleh u heshay qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran, kadib shir-madaxeedkii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ee ay ka qeyb-galeen madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay shirkan ayaa waxaa lagu taageeray qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey, iyada oo madaxda ka qeyb-gashay shirkaas ay dalbadeen in la qaado cuna-qabateynta hubka, islamarkaana la dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

Madaxda waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tix-geliyo in Soomaaliya laga qaado cuna-qabaeaynta hubka, si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni.

Sidoo kale waxay madaxdan bogaadiyeen guulaha ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka soo hoyeen howl-galka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaano horleh.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore usheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi koowaad ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ayada oo wejiga labaad ee dagaalkan ay qeyb ka noqon doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howl-gallada ka socda dalka.