Trump oo ka digay arrin dhici doonta haddii aan dib loo dooran doorashada 2024

Manchester (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

AFP, VOA