Isxaaq Macallin Aadan oo isku soo dhiibay dowladda kadib markii u adkeysan waayay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Macallin Aadan oo magaciisa af-garashadu yahay “Isxaaq Calooley” ayaa isku soo dhiibay ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka, xilli ay dalka ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo sanado badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa uu kooxda u qaabilsan qeybta loo yaqaano Jabhadda, isaga oo ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo kooxda uu hore uga tirsanaa ay la gashay ciidamada dowladda.

Isxaaq ayaa waxa uu sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Gedo iyo Shabeellada dhaxe.

Ninkan ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegey in sababta ku kalliftay in kooxda Al-Shabaab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay u geysanayaan shacabka iyo gumeysiga dhexdooda ka jira.

Isxaaq ayaa waxa uu baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku haray kooxda Al-Shabaab inay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay xubnaha ka kasoo laabanaya fikradaha gurracan ee xagjirka.

Shabaab ayaa lasoo warinaya in tan iyo markii uu billowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah ay culeys xooggan saartay dhalinyarada ku harsan, oo qaarkood ay dowladdu sheegtay inay kooxdu si qasab ah u dagaal-galiso, kadib markii ay diideen inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kooxdu kula jirto ciidamada huwanta ah.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo sheegayay in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin iyo in ay u adkeysan waayeen howl-galada kooxda uga socda qeybo badan oo dalka, sida ay sheegeen.