Xabbad-joojinta dagaalka SUDAN oo la kordhiyay iyo wararkii ugu dambeeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood.

Ciidanka Militariga ayaa sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta oo dhacayey fiidnimadii Khamiista, in lagu daro saddex maalmood oo kale, lana gaadhsiiyo illaa Axadda toddobaadka soo socda.

Ciidamada RSF ee la dagaalamaya ciidamada dowladda Sudan ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saacadood oo kale oo ka bilaabmaysa maalinta Jimcaha. Isla Khamiistii waxaa markale ay ciidamada Militarigu ay markale ku celiyeen inay dhinacooda wakhtiga u kordhinayaan heshiiska xabbad-joojinta ah.

Hase yeeshe waxaa weli lasoo warinaya inay jiraan rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur, iyada oo dhinacyada ku dagaalamaya ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabad-joojintii dagaalka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xad-gudubyada ka dhanka ah heshiiska xabbad-joojinta, xilli ay si weyn isku soo tarayaan walaaca laga muujinayo dagaalka Sudan.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Sudan, halka ay ku barakaceen kumanaan qof, ka dib dagaalladii adkaa ee dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF.

Si kastaba, Go’aanka cusub ee ka soo baxay labada dhinac ayaa waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo dalalka ka odayaynaya xaaladda Sudan ee kala ah Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sacuudiga.