Saciid DENI oo DF u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta DAGAALKA Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay gabtay masuuliyadii ka saarneyd collaada ka taagan Laascaanood, taasi oo qaadatay muddo ka badan saddex bilood.

Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inaysan u dhaqmin kaalintii laga rabay dowlad Soomaaliyeed, islamarkaana iyada oo dhiig uu daadanayo ay rabto inay wada-hadal la furto Somaliland, oo ay u magacowday ergay gaar ah.

“Iyada oo uu dhiig da’ayo oo dadkii la-laynayo, hadalkeeda ugu horreeya waxay ahayd sidii dhiigga loo joojin lahaa oo nabadda u sugi lahayd. Inay gardarro garab og uga dhigto Somaliland, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waa arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni oo si adag uga horyimid tallaabada ay dowladda federaalka u qaaday dhanka wada-hadallada Somaliland, xilli uu dagaal ka socdo Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC aysan ka mid ahayn Somaliland, “qasab iyo xoog laguma maamuli karo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Deni oo garab istaag u muujinaya SSC oo iyadu dagaal kula jirta xukuumadda Somaliland.

Deni ayaa magacaabista ergayga arrimaha Somaliland oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay waqti lumis aan waxba kusoo kordhin doonin xaaladda taagan.

Ugu dambeyntiina waxa uu caddeeyay inuu maamulkiisu taageersan yahay mowqifka SSC, ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee kula jiraan Somaliland, haddii buu yiri ay sii socdaan colaaduhu ayna garab weydiistaan Isimida dhaqanka ee SSC.

“Diyaar ayaa u nahay in aan ka qeyb qaadano difaaca qaddiyada reer SSC ay ku taagan yihiin,” oo ah tan midnimada Soomaaliyeed, ugana horyimaadeen gooni isu-taagga Somaliland ay ku doodeysay in ka badan 30 sano.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa hore uga horyimid magacaabista ergey Cabdikariin Guuleed oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, oo ayadu ku tilmaamtay nin waxbadan kala socda wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.