Halka uu ka bilaabanayo wejiga 2-aad ee dagaalka XAMAR ka socda oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka dagaalka Maandooriyaha, iyada oo maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya laamaha amaanka uu gudaha caasimada ka sameeyay howl-gallo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa shaacisay in dagaalka Maandooriyaha uu wejigiisa labaad ka bilaaban doono Dekedda iyo Garoomada oo ah meesha laga soo dejiyo waxyaabaha maanka dooriya ee ay dalka kasoo galaan.

“Qofka isticmaalaya iyo meesha lagu isticmaalo ee lagu gado waa in laga suuliyo meesha saldhiga u ah xumaanta, wejiga labaad waa Dekedda iyo Garoonka iyo xuduudaha ay kasoo galayaan, meelaha qaar waxaa laga keena Shabeellooyinka,” ayey tiri Guddoomiye Saynab Xaabsey.

“Shaqada la qabanayo waa kala horeysay, dadka magaalada soo galiya ee ka ganacsada iyo goobaha cayiman oo Muqdisho oo dhan daroogo laguma isticmaalo. Nidaamkaas ayaa suulinayna oo meelihii ay dhalinyarada iyo odayaasha iskugu imaanayeen in aan suulino oo waa ku hoos wadna.”

Guddoomiye Saynab ayaa ku dooday in baa’biinta goobaha asal ahaan ay kasoo baxaan waxyaabaha daroogada ah ee lagu gado ay wax ka tareyso isticmaalka daroogada, taasi oo ah wejiga koowaad ee howl-gallada lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee ka socda caasimadda.

“Waxaa rajeynaya askarigii suuqa uu kasoo gadanayay ayaa la baa’biina, askarta daroogada isticmaala waa laga xareeyay magaalada. Bilaha soo socda iyo maalmaha soo socda isbaddal fiican ayaa la dareemi doono,” ayey hadalkeeda sii raacisay Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey).

Dagaalka Maandooriyaha ka dhanka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lahaa guddaha caasimadda, waxaana howl-galladan barbar socda kuwa lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya.