Sawirro: Axmed Madoobe oo Addis Ababa ka wada kulamo uu ka dambeeyo Imaaraadka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia ayaa kulan xasaasi ah la qaatay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi.

Kulankaan oo marti-qaadkiisa ay lahaayeen madaxda Itoobiya, ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shidde iyo madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsana ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka dalkaasi, kaasi oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howl-galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howl-galladan ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan bilaabanaya deegaanada Jubbaland oo horay maamul ahaan ka saluugsanaayeen qaabka howl-galadaas loo bilaabayo, balse Axmed Madoobe iyo Jeneraalka ayaa qoto dheer iskula lafa-guray qorshaha howl-galladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Itoobiya iyo kulamada uu ka wado Addis Aabab ayaa waxaa qorshaheeda lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo iyadu ka shaqeysay isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ee xilligaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.

Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doonaya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana safarkiisan Addis Ababa uu qeyb ka yahay qorshaha Imaaraadka ee lagu soo afjarayo mad-madowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu socdaalkiisan noqonaya kii ugu horeeyay ee uu tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay, xilligaasi oo khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay, kaddib isku daygii ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtaan August ee isla sanadkaasi.

Si kastaba, Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militari iyo mid amni.