Xasan oo hal arrin ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay go’aankii ay madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ku garab istaageen dalkeena, kadib bayaankii kasoo baxay shir-madaxeedkii ka socday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya taageeradooda joogtada ah illaa inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso, kana gaareyso inay la wareegto masuuliyadda amnigeeda gudaha.

“Soomaaliya waxay ka mahadcelinaysaa doorka hiilka iyo nafhurnimada ah ee dalalka ciidamaadoodu ka mid yihiin Hawlgalka ATMIS ay gaysteen dallkeenna ku dhowaad 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxay weli Soomaaliya dhameystiraysa howlaha horyaalla collaadii dalka ka dhacday kadib, balse caawimaadiina awgeed taageeradiina joogtada ah ee 15-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya dib ayay cagaheeda ugu istaageysa, waxayna haatan go’aansatay inay la wareegto waajibaadkeeda iyo masuuliyada amnigeeda, hase yeeshe waxaa weli codsaneyna taageeradiina joogtada inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso.”

Waxa uu ku bogaadiyay dalalkan taageeradooda ay sanadihii u dambeeyay siinayeen Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya gaarto hiigsiga ah inay cagaheeda ku istaagto, “Dantiinu waxay aheyd inaad Soomaaliya ka caawisaan sidii ay usoo kaban laheydeen, mudaneyaal hiigsigan ayaa ah mid dhawaan dhici doona, waana tallaabo aan si weyn idinkaga mahad-celinayno.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka rejo weyn yahay marka loo eego kolkii hore,islamarkaana ay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan qorshaha ay saaxiibadeeda Afrikaanka ay ku garab taagan yihiin, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

“Waxaa jeclaan lahaan in aad idin mahad-celinayo anigoo metalaya dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa la laaban doona ka go’naanshaha aan maanta ka muujiseen halkan mudada ka harsan howl-galka. Waxaa xaqiijinaya in kalsoonida noo muujiseen in hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan sida ugu dhaqsaha badan.”

Si kastaba, Shir madaxeedkii dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka qabsoomay Kampala ayaa muhiim u ahaa xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya ayaa waxaa marti-galinayay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana ka qeyb-galay madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.